Baarlamaanka Iswiidhan oo wali meelmarin la’ dhisidda dawlad cusub

Baarlamaanka Iswiidhan oo wali meelmarin la' dhisidda dawlad cusub

Af hayeenka baarlamanka Sweden Andreas Norlén ayaa dhowaantan ka faallooday wadahadallo uu la yeeshey labada hoggaamiye ee Stefan Löfven (S) iyo Ulf Kristersson (M).

– Waxaan maanta la hadlay labada musharrax ee ugu cadcad iney qabtaan xilka dawlad dalka hoggaamisa anigoona ka dhageeystay habka ey xaaladda u qiimeeyneyaan.

Dhanka kale sida ku cad jadwalka u degsan dhismaha dawladda waxaan ka heli doonaa akhbaarro hor leh Stefan Löfven iyo Ulf Kristersson jimcada foodda innagu soo heeysa oo bishuna tahay 4-ta jannaayo 2019, sida uu sheegay af hayeenka baarlamanka Andreas Norlén.

Af hayeenka baarlamanka Sweden ayaa ku dhawaaqay 19-kii diseembar inuu baarlamanka hor keeni doono soo jeedin hoggaamiye hor leh 14-ka bisha jannaayo, si cod loogu qaado 16-ka jannaayo. Iyadoo sidoo kale la shaaciyey xilliga marka afaraad baarlamanka la hor keeni doono hoggaamiye hor leh.

Wixii muddadaa ka horreeya ayuu sheegay af hayeenka baarlamanka Sweden inuu dhammaan u xilsaarey hoggaamiyeyaasha xisbiyada xubnaha ku leh baarlamanka iney ka wada xaajoodaan sidii uu dalku dawlad u yeelan lahaa. Iyo sidoo kale in loo xilsaarey labada hoggaamiye ee Stefan Löfven (S) iyo Ulf Kristersson (M) sidii ey warbixin joogto ah ula qeybsan lahaayeen af hayeenka.

Leave a Reply

Your e-mail address will not be published. Required fields are marked *

shares