Booliiska Iswiidhan oo markii ugu horaysay isticmaalaya bastooladda korantada

Booliiska Iswiidhan oo markii ugu horaysay isticmaalaya bistooladda korantada

Bileyska ayaa si xawli ku dheehan tahay u isticmaalaya bastoolada rida ama laga tuuro falaaraha korontada ee sare jooge ka rideysa qofka lagu dhufto.

Ku dhowaad toban jeer ayay boolsiku isticmaalaan hubkan bil waliba iyada oo isticmaalka hubkani uu tijaabo ku soo jiray tan iyo bishii janaayo ee sanadkan gabagabada ah ee 2018.

Qiimeynta la saadaaliyay ka hor tijaabada ayaa ahayd in hubkan ay booliska isticmaalaan ku dhowaad afartan jeer sanadkii balse waxay hadda isticmaaleen 120 jeer.

– Xitaa isticmaalkan badan ma jirin mar si ciyaar ciyaar ah loo isticmaalay, inta jeer ee la isticmaalayna waxey waafaqsanaayeen sharciga, waxaa sidaasi yiri, Pär Wärdig, oo ka tirsan booliska qaranka ahna madaxa mashruuca tijaabada hubkan.

Sida uu leeyahay sarkaalkan, bastooladan rideysa falaaraha xambaarsan korontada ee kolka lagu dhufto qofka, jirka ku rideysa shooog koronta, ayay inta badan booliska isticmaaleen markii ay soo xirayaan qof arbushaya deganaanshaha bulshada sida waddooyinka iyo maqaaxiyadaha oo inta badan dadka allkolo ama daroogo kale darteed ay u sammeeyaan dagaal iyo hanjabaad amaba ay weeraraan booliska

Waxay tahay rajada in hubkan uu yareen doono waxyeelada ka dhalata soo xirida ee ku dhici karta bileyska iyo dadka ay soo xirayaan.

Marka hubkani ama bastooladani la rido, waxay tuureysaa labo falaar oo masaamiir yar u ek kuwaasi oo marka ay jirka ku dhacaan sammeeynaya wareeg danab koronto kuwaasi oo fariisinaya murqaha qofkana ku tuuraya dhulka.

Pär Wärdig, sarkaalka ka tirsan hay’adda ayaa sheegay in dhaawacyada ay sababto bastooladan ay u badan yihiin nabaro xoqmid ah oo ku dhaca gacmaha, jilbaha, wejiga ama madaxa balse dhaawacyada ayuu ku sheegayaa sarkaalkan in ay yihiin kuwa fudud oo la dhayi karo iyada oo ilaa iyo imminka dhaawacyo culus aan la soo sheegin.

Mashruucan ayaa sii sosocn doona sanad kale oo dheeri ah inta aan qiimeyn lagu sammeynin.

Leave a Reply

Your e-mail address will not be published. Required fields are marked *

shares