Kulan sanadeedka ururka saxaafada da’yarta oo ka furmay Stockholm

Kulan ay usugu yimaadeen in kabadan 25 urur oo ka kala yimid guud ahaan danka Sweden ayaa lagu qabtay magaalada Stockholm.

Kulankaan waxaa soo qabanqaabiyay urur waynaha “Ungmedia” kaasoo ay ku midaysanyihiin dhamaan saxaafada da’yarta ah ee ka howl gala dalka Sweden.

Maanta waxay u dabaaldagayeen sannadguuradii 20-naad ee aas’aaska uruka Ungmedia.

Sidoo kale waxaa muddada loo kordhiyay hogaanka ururka inay sii hogaamiyaan illaa 2020-ka. Kulankaan waxuu soo idlaandoonaa maalinta axada 28 april 2019.

Ma ahan markii ugu horaysay ee kulan noociisa oo kale ay qabtaan “Ungemedia”.

Sannadkiiba mar ayaa magaalo lagu qabtaa si loo doorto cida sii hogaamindoonta sannadka xiga.

 

Leave a Reply

Your e-mail address will not be published. Required fields are marked *

shares